Ku: guriga Wargelin la xidhiidha imtixaanka dugsiyada asaasiga Ah
Transcrição
Ku: guriga Wargelin la xidhiidha imtixaanka dugsiyada asaasiga Ah
Kvalitets- og Tilsynsstyrelsen Frederiksholms Kanal 25 1220 København K Tlf. 3392 5000 Fax 3392 5567 E-mail [email protected] www.ktst.dk CVR nr. 29634750 Ku: guriga Wargelin la xidhiidha imtixaanka dugsiyada asaasiga Ah ee madaxa bannaan Dhammaan ardayda dhigata dugsiga hoose/dhexe waa inay maraan imtixaanka qaranka ee qasabka ah. Ardayda dhigata dugsiyada asaasiga ah ee madaxa bannaan, imtixaannadu kuma aha qasab. Ilmihiinna iyo carruurta kale ee dhigata dugsiyada asaasiga ah ee madaxa bannaan waxa ay haystaan fursad lagaga qaado hal ama wax ka badan oo imtixaannada ah, haddii dugsigu sidaas doorto. Waxa hoos ka muuqda maaddadaha iyo heerarka fasallada geli kara imtixaanka iskii qofku u dooran karo (frivillige). Iskutallaabta ayaa muujinaysa heerarka fasallada ay ku wajahan yihiin imtixaannadu. Khaanadaha midabka lihi waxa ay muujinayaan, heerarka fasallada ku geli kara imtixaannada haddii ay iskood u go´aansadaan (frivillige). Maaddad iyo fasal Deenish, akhris Xisaab Ingiriisi Juqraafi Bayoolaji Fisigis/kimisteri Deenishka oo luqad labaad ah 1. 2. X 3. 4. X 5. X 6. X X 7. 8. X 9. X X X X X X Imtixaanka qaranku waa qiimayn Imtixaanka qaranku waa qalab qiimayneed wax ka taraya qorshaynta macalimiinta ee waxbarashada, isla markaana fikrad idinka siinaya, sida ay u socdaan maadadaha la doortay. Imtixaanadu waa qalab ama qalabyo badan, oo laga qaadan karo sawir mudada caruurtu dugsiga dhiganayaan , in ay dhinac sax ah u socdaan iyo in kale. Wax kasta la iskuma Imtixaami karo, mana aha in la isku imtixaamo. Imtixaanada waxa la doortay qaybo udub dhexaad ah, oo ku haboon in kombuyuutarka lagu sameeyo. Imtixaanka qaranku waxa uu ku sargo´an yahay heerka ardayga Waxa laga hadlayaa imtixaan nooc kale ah, oo ka duwan imtixaannada maanta caruurtu galaan. Imtixaanka ilmo walba laga qaadayaa waxa uu ku haboon yahay heerkiisa maadadaha. Haddii ardaygu su´aal ka jawaabo, dabadeed waxa ardayga la siinayaa su´aal ka adag. Haddii ardaygu qaldo, waxa haddana la siinayaa 2 su´aal jilicsan. Waayo aragnimadu waxa ay sheegaysaa, in arday badani ka baxayaan imtixaano ka adag kuwa maanta laga qaado. Imtixaanada waxa lagu qaadayaa kombuyuutarada dugsiga, qof qofna waa loo qaadayaa. Imtixaanku waxa uu caadi ahaan qaadanayaa 45 miridh. Wargelin qoraal ah oo waalidku helayo Marka ardaygu gelo imtixaan, wargelinta imtixaanka oo qoraal kooban ah ayaa loo soo dirayaa waalidka. Dugsiga ayaa dooran kara, in uu waalidka u diro wargelintaas. Macalimiinta ayaa laga yaabaa, in wargelinta qoraalka ah lagaga wada hadlo kulan la xidhiidha natiijooyinka imtixaanka iyo horumarka maadadeed ee ilmaha, sida kulanka dugsiga-guriga oo kale. Natiijooyinka imtixaanku waa qarsoodi oo diiwaanka maamulka ayaa lagu kaydinayaa Natiijada imtixaanka ardayga waxa helaya oo keli ah dadka toos ugu baahan. Sida ilmaha laftiisa, waalidka, macalimiinta maadadaha ee ardayga iyo maamulka dugsiga. Wasaarada waxbarashada ayaa ururinaysa oo ku kaydinaysa diiwaan maamuleed imtixaanada guud ee ardayda. Dhamaan natiijooyinka imtixaanadu waxa ay ahaanayaan sir culus. Waxana la haynayaa, inta ardaygu ka dhamaynayo waxbarashada qasabka ah, ee uu ka baxayo dugsiga hoose/dhexe. Dabadeed natiijooyinka waa laga tirtirayaa diiwaan maamuleedka. Wararka la xidhiidha natiijooyinka imtixaannada ardayga kelidiis, koox ahaan, qayb ahaan, fasallada, dugsiyada iyo kommuunayaasha, intuba waa sir culus. Mahadsanidin Ministeriet for Børn og Undervisning Kvalitets- og Tilsynsstyrelsen Center for Kvalitetsudvikling, Prøver og Eksamen
Documentos relacionados
WESTERN HILLS COWTOWN SHOOTOUT JANUARY 03, 2015
FWCT-NT OAK-NT WAXA-NT FWWH-NT FWWH-NT AZLE-NT FWCT-NT WAXA-NT AZLE-NT
Leia mais